Wararka ka imaanaya Degmada Awdheegle ee gobalka Shabeelaha hoose ayaa sheegaya inuu halkaasi maanta ka dhacay Dagaal u dhaxeeyay Ciidamada Xoogga Soomaaliya Iyo Al Shabaab.

Dagaalyahano katirsan Al Shabaab ayaa Weeraray Xarun ciidamada dowladda ay ku leeyihiin degmada, halkaasi oo uu ka dhacay dagaal labada dhinac u dhaxeeyay oo la isku adeegsaday hubka kala duwan.

Sido kale Warar kala duwan ayaa kasoo khasaaraha ka dhashay dagaalka, inkastoo aysan jirin cid wax kala socota khasaaraha labada dhinac kala gaaray.

Wali majirto wax war ah oo kasoo baxay Saraakiisha Xoogga, ama kuwa dagaalamayaasha Al Shabaab.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya xaalada hada iney tahay mid dagan oo isku socodkada dadka iyo gadiidka uu kusoo noqday sidii hore.