Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Duqeymo xoogan oo ka dhacay Magaalooyinka Jilib Iyo Jamaame oo ka wada tirsan gobolada Jubbooyinka.
Diyaarado Dagaal ayaa la sheegay iney dhowr gantaal ku garaaceen Saldhigyo Al Shabaab ay kaga sugan yihiin Degmooyinkaasi iyo deegaanka xaramka oo ka tirsan deegaanada gobolka Shabeelaha Hoose.
Sarkaal katirsan Ciidamada Dowladda ayaa Kalsantv u sheegay Duqeynta ka dhacday deegaanka Xaramka in lala eegtay gaari uu la socday Hogaamiye katirsanaa Al Shabaab oo Safar dhanka dhulka ku socdaalayay.
Sido kale Duqeymaha ka dhacay Jamaame Iyo Jilib ayuu sarkaalka sheegay in lagu burburiyay Saldhigyo waaweyn oo Al Shabaab ay ku sugnaayeen.
Sarkaalka ayaa Xaqiijiyay duqeymahaasi in lagu dilay Sarkaal iyo Xubno kale oo katirsanaa Xarakada.
Wali wax war ah kama soo bixin Al Shabaab oo looga hadlayo Duqeymahaasi is daba jooga ahaa.
Dowladda Mareykanka ayaa kordhisay Weerarada Duqeymaha ee ka dhanka ah Saraakiisha, Ciidamada Iyo Xarumaha Al Shabaab ee Gobalada Soomaaliya.