Safiirka dowladda Mareykanka u fadhiya Kenya Kyle McCarter oo Wareysi siiyay Wargeyska The Daily Nation ee kasoo baxa Kenya ayaa sheegay inuu Madaxweyne Farmaajo kala hadlay Dacwada badda ee labada dal in lagu xaliyo Wada hadal.

Warbixin uu Wargeyska ka qoray Safiirka USA ayuu kaga hadlay arimo badan oo la xiriira Dacwada badda ee u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya.

Wargeyska ayaa sheegay Safiirka Mareykanka u jooga Kenya inuu u tagay Muqdisho sidii uu ugu qancin lahaa Madaxweyne Farmaajo, sidii dowladiisa uga noqon laheyd Dacwada Badda ee hor taal Maxkamada ICJ iyo inuu ka dalbaday Farmaajo kiiska badda in lagu dhameeyo wada hadal ama bilaa Maxkamad.

“Arrinta waa in si dhaqsa ah wax looga qabtaa, waxaan kala shaqeynay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmajo iyo Uhuru Kenyatta, sidii ay miiska wadhadalka u yimaadaan, aniguna waxaan tegay Magaalada Muqdisho, si aan Madaxweyne Farmajo uga la hadlo arrintan, waxaana ku iri isaga bax kiiska maxkamadda ,” ayuu yiri safiirka.

Sido kale Kyle McCarter ayaa sheegay inuu Farmaajo ogeysiiyay in Uhuru Kenyaata uu wado qorshe ama Nidaam uu doonayo in lagu xaliyo Kiiska badda ee daba dheeraaday.

Dowladda Soomaaliya ayaa mowqif adag ka istaagtay Kiiska badda in lagu xaliyo oo kaliya Maxkamada Cadaalada aduunka ee ICJ oo aysan dooneen wada hadal in lagu dhameeyo dacwada labada dal.