War kasoo baxay Al Shabaab ayaa lagu sheegay in laba mar Weerar madaafiic ah ay ku qaadeen saldhigga Ciidamada Bangaraafta ee kuyaal deegaanka Baar Sanguuni ee duleedka Kismaayo.

Al Shabaab ayaa sheegay Madaafiicdaasi iney ku dhaceen gudaha Saldhigga uuna jiro Khasaare gaaray Ciidamada Xoogga Dalka ee ku sugna halkaasi.

“Madaafiic ayaa ku hoobatay gudaha saldhigga, qiic iyo uuro madoow ayaa sheedda laga arkayay xilligii ay madaafiicdu ku hoobanaysay gudaha saldhigga” ayaa lagu war kasoo baxay Al Shabaab.

Wali wax war ah kama soo bixin Saraakiisha Xoogga ama kuwa Maamulka Jubbaland oo looga hadlayo Weerarka labada mar lagu qaaday Saldhiggaasi.

Al Shabaab ayaa dhowr mar sidan oo kale Weeraro Madaafiic loo adeegsaday ku qaaday Saldhigyo ciidamada Kenya iyo Jubbaland ay ku leeyihiin deegaanada iyo degmooyinka Maamulka Jubbaland.