Ciidamo ka tirsan Ahlusuna ayaa La wareegay gacan Ku haynta xarunta degmada Dhuusamareeb.

Wararka ayaa sheegaya Xarunta lala Wareegay in loo qorsheynayay inay La wareegaan ciidamo katirsan dowladda Federaaalka Soomaaliya.

Sido kale waxaa kacsan Jawiga magaalada waxaana lagu arkayaa ciidamo badan oo dhax wareegaya magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug.

Wali wax war ah kama soo bixin Saraakiisha ciidamada dowladda iyo Hogaanka Ahlu Sunna.

Maalmihii dambe wuxuu khilaaf ka dhax aloolsanaa Madaxda Dowladda iyo Hogaanka Ahlu Sunna oo isku maan dhaafay qorshaha xulista Xubnaha guddiga Farsamo ee doorshada maamulka Galmudug.