Waxaa maalintii 2aad banaanax ay dhigayaan Wadayaasha Gaadiidka Daweynaha uu ka socdaa Magaalada Caasimada ah ee Muqdisho.

Boqolaal Darawalada Baabuurta BL-ka ayaa xirtay qaar kamid ah wadooyinka waaweyn ee Muqdisho, kuwaa oo ka cabanaya Lacago xad dhaaf ah ama canshuur joogta ah iyo ineysan heysan wado ay maraan, maadaama laga xirtay Inta badan Isgoysyada dhax mara degmooyinka Gobalka Banaadir.

Sido kale majirto Shalay iyo Saakay cid ka jawaabtay Cabashadooda, maadaama laga qaado Canshuur, kana mid yihiin Shacabka Magaalada Muqdisho.

Dhanka kale dadka isku soo baxa dhigaya ayaa waxaa kamid ah Shacab ka careysan oo cabanaya Wadooyinka Muqdisho oo mudo dheer xiran.

Gudoomiyaha Gobalka Banaadir Cumar Finish ayaa horay u balan qaaday inuu furaya Wadooyinka u xiran Ciidamada Dowladda, inkastoo balanqaadkasi uusa fulin.

Ciidamo katirsan Dowladda ayaa inta badan Xirtay Wadooyinka waaaweyn ee Caasimada Muqdisho.