Ciidanka Hiil Walaal Jabuuti ee ka tirsan howlgalka Amisom ayaa sheegay in diyaaradaha Qumaatiga u kaca ay uga qeyb-qaadanayaan gurmadka ka socda Baladweyne xilli ay sii kordheyso Fatahaadda Webiga Shabeelle.

Dhinaca kale Dooni la guddoontay masuuliyiin ay ka mid aheyd duqa Baladweyne iyo guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan Cabdifataax Xasan Afrax ayaa laga soo badbaadiyey tobaneeyo qof oo ay masuuliyiintaas ku jiraan, waxaana weli la baadigoobka dad la la’yahay oo doontaas saarnaa.

Inta badan Xaafadaha Baladweyne ayaa waxaa Xarqiyay Fatahaad uu sameeyay Wabiga Shabeelle.