Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Nin burcad ah oo Gabar Xaamilo aheyd ku dilay Xalay Xaafada Madiina ee Degmada Dharkeenleey.

Goobjooge ku sugan Xaafada Macalin Nuur ayaa Kalsantv u sheegay in nin ku hubeysnaa Tooreey ama Midi uu gabar Xaamilo aheyd uga dhuftay qeybha dhaxe ee jirka ilaa Meel Tooreydii uu ku hubeysnaa.

Dadka deegaanka ayaa sheegay ninka dilka geystay inuu doonayay inuu gabadha ka qaato Moobeel ay wadatay, markii ay isku adkeysayna uu la dhacay Mididii ama Tooreeydii uu wax ku dhacayay.

Sido kale dhalinyarada Xaafada ayaa ku baxay Tuugii dilay gabadha kuwaa oo ugu dambeyn gacanta kusoo dhigay una gacan galiyay Ciidamada Booliska dowladda ee ku sugan Saldhiga degmada Dharkenley.

Wali wax war ah kama soo bixin Maamulka degmada Dharkeenleey oo looga hadlayo Dhacdadii Xalay.