Ciidamada dowladda oo la Wareegay Degmada Matabaan ee Gobalka Hiiraan oo gacan ku heynteeda ay maamuli jiren Ciidamada Ahlu Sunna.

Mid kamid ah dadka deegaanka oo la hadlay Kalsantv ayaa sheegay in Dagaal uu dhax maray Ciidamada Xoogga Iyo kuwa Ahlu sunna ee gacanta ku hayay degmada, kuwaa oo markii dambe isaga baxay.

Inta la Xaqiijiyay Dagaalka ayaa waxaa ay waxyeelo kasoo gaartay Ciidamo katirsan Ahlu Sunna.

Sido kale Ciidamada dowladda ayaa xiray Gudoomiyihii Ahlu sunna ee degmada Matabaan iyo qaar katirsan Ilaalada Gudoomiye Iyo Ciidamo kale.

Wararkii.ugu dambeeyay ayaa sheegaya Gacan heynta Magaalada iney maamulayaan Ciidamada Xoogga.