Ciidamo katirsan dowladda ayaa la Wareegay gacan ku heynta degmada Guriceel ee Gobalka Galgaduud.

Dadka degmada Guriceel ayaa saakay soo toosay, iyadoo ciidamo katirsan dowladda ay joogaan Xaafadaha kala duwan ee Magaaladaasi.

Sido kale waxaa magaalada isaga baxay Ciidamadii Ahlu Sunna oo Sanadaha maamulyay halkaasi.

Dhanka kale Xalay ayaa Magaalada waxaa laga maqlay Rasaas kooban oo ilaa hada aan la ogeen cida ay u dhaxeysay ama khasaaraha ay sababtay.

Shalay ayey aheyd kadib markii ciidamada Dowladda ay Xoog Ahlu Sunna kala Wareegeen Matabaan.