Laba diyaaradood oo gargaar u sida magalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa ka degay garoonka diyaaradaha magalada Guriceel ee gobolka Galgaduud.

Wafdi sare oo katirsan Dowladda oo uu hogaaminayo Wasiirka boostada iyo isgarsiinta Soomaaliya Cabdi Canshuur Xasan ayaa la socday labadaasi Diyaaradood.

Garoonka diyaaradaha Magaalada Guriceel ayaa lagu soo dhaweeyay Wafdigaasi ka socday dowladda dhaxe.