Maleeshiyaad ku hubeysanaa qoryaha AK47-ka ayaa dad Shacab ahaa caawa ku laayay Maqaaxi ku taalla degmada Kaxda ee Gobalka Banaadir.

Inta la Xaqiijiyay in ku dhaw 10 Ruux ayaa dhimasho iyo dhaawac ku noqday rasaas la hubiyay dhalinyaro iyo Duqey ku shaaxeynayay ama fadhiyay Maqaaxi ama maqaayad ku taalla degmada Kaxda ee Muqdisho.

Ehlada dadka ku dhaawacmay Rasaastaasi ayaa sheegay Caruurtooda iney dhigeen Xarumo caafimaad oo ku yaalla Magaalada Caasimada ah ee Muqdisho.

Mudooyinkii dambe Maleeshiyaad qabiil oo qaarkood ku labisan dareeska Ciidamada Dowladda ayaa dad shacab ahaa ku laaynayay Degmada Kaxda.

Xaalad kacsanaan ah ayaa ka jirta caawa degmadaasi.