Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed ( Omar Finish ) Ayaa Caawa U Amba baxay Dalka Koofur Afrika oo lagu dhibaateeyo Ganacsatada Soomaaliyeed ee ku Nool guda Dalkaasi.

Mudane Cumar Finish Iyo Wefdigiisa Ayaa Ka Qeyb Galaya Shir Ka Dhacaaya Koofur Afrika.

Taliyaha Ciidamada Booliska Gobalka Banaadir Garoonka Aadaan Cadde Kasii Sagootiyay Maamulka Gobolka Banaadir Iyo Mas’uuliyiinta kale.

“Waxaan caawa u ambabaxay dalka South Africa gaar ahaan magaalada Durban halkaasi oo aan uga qeyb gali doono shirka Global Parliament of Mayors (GPM)” ayuu yiri Gudoomiyaha Gobalka Banaadir.