Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Xiisad ay ka taagan tahay Garoonka Diyaaradaha muqdisho.

Xiisada ayaa la sheegay iney salka ku heyso Amar uu Maamulka Garoonka diyaaradaha kusoo rogay in aanay ka dhoofi karin wafdi ay hoggaaminayaan Xasan Sheekh Maxamuud iyo Sheekh Shariif oo maanta ku sii jeeday Magaalada Beledweyne.

Xildhibaan C/risaaq Cumar Maxamed ayaa sheegay iney Xaniban yihiin gudaha Garoonka aadan Cade.

“Labada Madaxweyne safarkooda gurmadka Beledweyne ee maanta waa loo diidan yahay inay garoonka ka dhoofaan, maamulka Garoonka, waxay leeyihiin ma bixi kartaan amar ayaa heysanaa, markaa weydiinay waxay na dhaheen Madaxweyne Waare iyo Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa bixi raba oo beledweyne aadaya”ayuu yiri Xildhibaanka.