Wararka naga soo gaaraya Koofurta gobolka Mudug  ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in Al-shabaab ay iskaga baxeen deegaanno hoos yimaada degmada Xarar-dheere ee Gobolka Mudug.

Saraakiisha ciidamada dowladda ayaa sheegay Al Shabaab iney iskaga baxdeen deegaanada Deeqlo iyo Maraale oo hoostaga degmada Xarardheere ee gobolka Mudug kadib markii ay sheegeen Saraakiisha cabsi kasoo wajahday dhanka Ciidamada Xoogga.

Sido kale waxey sheegeen iney ka dambeysay ka bixitaanka Al Shabaab ee deegaanadaasi, kadib markii ay Ciidanka Xoogga iyo Saaxibadooda Caalamka ay duqeymo ka fuliyeen todobaadki lasoo dhaafay.

Wali wax war ah kama soo bixin Al Shabaab oo la Xiriiira arimahaasi.