Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray Nayroobi halkaas oo ay uga qeyb galayaan shir caalami ah oo ku saabsan horumarinta dadweynaha.

Wafdiga Madaxweynaha ayaa waxaa garoonka kusoo dhaweeyay Madax katirsan Kenya Safiirada labada dal iyo Mas’uuliyiin katirsan Dowladda Soomaaliya.

Sido kale Madaxda Soo dhaweysay Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo kuma jirin Madaxweynaha Dalkaasi Kenya Uhuru Kenyaata uu khilaaf xoogan kala dhaxeeyo Madaxda ugu sareysay Soomaaliya.