Kooxo ku hubeysan oo Askari katirsanaa Ciidamada dowladda ku dilay Goordhaw degmada Kaaraan.
Qof Goobjooge ahaa ayaa Kalsantv u Xaqiijiyay in Toogashadaasi ay ka dambeeyeen Koox ku hubeysneyd Bastoolado, oo goobta deg deg uga baxsaday.
Ciidamo katirsan Dowladda ayaa Goobta gaaray, kuwaa oo halkaasi ka qaaday meydka Askarigaasi.
Wararkii ugu dambeeyay ayaa Sheegaya in halka lagu dilay Askariga Shacab badan ay buux dhaafiyeen.
Sido kale majirto cid sheegatay Mas’uuliyada Dilkaasi oo kusoo aadaya xili shalay Askari lagu dilay Wadajir, gacantana lagu dhigay kooxdii ka dambeysay dilka.