Ciidamadda Amaanka Soomaaliland ayaa caawa Xabsiga Hargeysa ku xiray (dhigay) Xoghayihii Guud ee Xisbiga Waddani Khadar Xuseen Cabdi iyo Afhayeenka Guud ee Xisbiga Barkhad Jaamac Baatun.

Sido kale Ciidamo katirsan kuwa booliska Somaliland ayaa isku gadaamay ama Xiray dhamaan wadooyinka soo gala Xarunta Xisbiga Wadani ee Magaalada Hargeysa.

Wali wax war ah kama soo bixin Hogaanka Xisbiga Wadani oo looga hadlayo Xariga Mas’uuliyiintaasi.

Madaxda Xisbiga Wadani ayaa ku dhawaaqay Banaanbax balaaran, inkartoo uu ka horyimid Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliland Banaanbaxaasi.