Maamulka Jubbaland ayaa soo bandhigay Nin magaciisa lagu sheegay Rayaan Shiikh Nuuur oo magaca Al Shabaabka looga dhex yaqaano (Abuu Xamsa) kaasi oo la sheegay inuu isku dhiibay Jubbalabd.

Saraakiisha Ciidamada Daraawiishta Jubbaland ayaa Sheegay Abuu Xamsa inuu ahaa Amiirkii ama Madaxii u qaabilsanaa Al Shabaab dhanka gaadiidka Gobolka Jubbada Hoose iyo deegaanada hoos yimaada.

Sawirka hoose ee idin muuqda waa Rayaan Shiikh oo Al Shabaabka looga dhex yaqaano Abuu Xamsa.

Wali wax war ah kama soo bixin Al Shabaab.

Rayaan Sheekh