War qoraal ah oo lagu baahiyay Bogga taageera Al Shabaab ee Shahaada ayaa lagu sheegay in Ciidamo katirsan Al Shabaab ay la wareegeen deegaanka Maroodi oo qiyaastii 50 KM u jira magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobalka Sanaag.

Afhayeenka Howlgallada Al shabaab Cabdi-casiis Abuu Muscab oo la hadlay Wakaalada Wararka Al Shabaab ee Shahaada ayaa sheegay in Xubno katirsan Al Shabaab ay la wareegeen deegaan Istiraatiiji ah Ciidamada Soomaaliland.

War kasoo baxay Al Shabaab ayay ku xaqiijisay in ciidamadeedu ay qabsadeen deegaanka Gacan Maroodi islamarkaana Soo dhaweeyeen Shacabka deegaankaasi.

“Allaah fadligii maanta ciidamadeena waxay la wareegeen deegaan Istaraatiiji ah oo ku yaalla gobolka Sanaag, deegaankaas waxaa lagu magacaabaa Gacan-Maroodi, wuxuuna qiyaastii 50km u jiraa magaalada Ceerigaabo, ciidamadena ayaa si buuxda ula wareegay ka dib markii ay ka ceyriyeen maleeshiyaatkii ku sugnaa, dadweynaha ayay meel fagaara ah kala hadleen si wanaagsan ayaana loo soo dhaweeyey” ayuu yiri Sheekh Abuu Muscab Afhayeenka ciidamada Al Shabaab.

Sido kale wuxuu sheegay in deegaanka gacanta ay ku hayeen Ciidamada Soomaaliland oo markii dambe isaga baxay deegaanka Gacan Maroodi ee Gobalk Sanaag.

Wali wax war ah kama soo bixin Ciidamada qalabka sida Soomaaliland oo looga hadlayo Sheegashada garabka Alqaacidda ee Soomaaliya iney qabsadeen deegaan muhiim u ahaa isku socodka Gobalka Sanaag.