Mas’uuliyiin katirsan Maamulka Koofur Galbeed ayaa Shaaciyay inuu isku dhiibay Gudoomiyihii hore ee Degmada Diinsoor, Ibraahim Maxamed Nuur (Shigshigow) oo Shalay dagaal la galay Ciidamada Xoogga Soomaaliya iyo kuwa Dowladda Itoopiya.

Ilaalada Ibraahim Maxamed Nuur Shigshigow iyo Ciidamo kale ayaa shalay ku dagaalamay gudaha Diinsoor, kadib markii la Weeraray hoyga Mudane Shigshigow oo diiday inuu Wareejio Xilka Gudoomiyenimo.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Wasiirka Arrimaha Gudaha Koofur Galbeed ayaa xilkii looga qaaday Gudoomiyihii hore ee Degmada Diinsoor Shigshigow.

Sido kale Wasiirka Arimaha gudaha Koofur galbeed ayaa u magacaabay Diinsoor Gudoomiye Cusub.