Al Shabaab ayaa war kasoo saartay Duqeyn diyaaradaha Mareykanka ay ka fuluyeen deegaanka Kuunyo Baroow ee  gobolka Shabeellaha Hoos.

Dowladda Soomaaliya oo war kasoo saartay Duqeyntaasi ayaa sheegtay in lagu dilay Hogaamiye Muhiim u ahaa Al Shabaab, inkastoo Al Shabaab warkaasi ay ka hor imaadeen ama ay beeniyeen.

Al Shabaab ayaa sheegtay Duqeyntaasi in lagu dilay Nin Ganacsade ahaa oo caan ka ahaa gudaha deegaanada Iyo Degmooyinka Gobalka Sh/hoose.

“Duqaynta ayaa waxay diyaarada Maraykanku la beegsadeen nin lagu magacaabi jiray Ismaaciil kaas oo kamid ahaa ganacsatada Shabeellada Hoose, goob ganacsina ku lahaa magaalada Kuunyo Barroow” ayaa lagu yiri war qoraal ah oo kasoo baxay Al Shabaab.

War qoraal ah oo laga soo saaray howlgalkaasi oo ahaa mid qorsheysnaa ayaa lagu sheegay in aanay jiriin waxyeelo soo gaartay dadka shacabka ah mudadii uu socday balse khasaare lagu gaarsiiyay Xubo katirsanaa Dagaalamayaasha Alshabaab.

“Waxaa lagu khaarijiyay howlgalkaasi Sarkaal ka tirsanaa Al-shabaab, tani ayaa hoos u dhigaysa awoodii argagixisada,iyo weeraradii ay ka soo maleegayeen deegaanka Kuunya Barrow iyo nawaaxigiisa,waxaana xaqiijinaynaa in aanay jirin waxyeelo soo gaartay dadka rayidka ah”. Sidaasina waxaa sheegay saraakiisha ciidamada howlgalkaasi hoggaaminaysay.

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya saaxiibada caalamiga iyo kuwa AMISOM ayaa sare u qaaday howlgalada ka dhanka Ah Al Shabaab o Xiriir toos iyo hoose la leh Alqaacidda.