Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweyneyaashii hore Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Mudane Xasan Sheekh ayaa maanta kulan ku yeelanaya Muqdisho.

Agaasimaha Madaxtooyada Soomaaliya Mudane Cabdi Nuur ayaa sheegay Ajandaha ugu muhiimsan ee Kulankaasi in looga hadlayo arrimaha doorashooyinka 2020 iyo sidii ay Xukuumadda ugala shaqeyn lahaayeen in hannaan doorasho oo hufan oo qof iyo cod ah ay dalka ka dhacdo, awooddana dib loogu celiyo shacabka Soomaaliyeed si ay u doortaan madax iyo xildhibaanno iyaga si toos ah wakiil uga ah.

Lama oga Waxa kasoo baxaya Kulankaasi u dhaxeeya Madaxdii hore ee Soomaaliya iyo Madaxweynaha iminka ee dalka Maxamed Cabdullaahi ee Farmaajo.

Mudooyinkii dambe Madaxweynayaashii hore ee dalka ayaa hadalo kulul hawada u marinayay Madaxweyne Farmaajo oo ay ku eedeeyeen inuu ka dambeeyay Amar loogu xayiray laba mar Garoonka Diyaaradaha.