Wararka ka imaanaya Gobalka Shabeelaha Hoose aya sheegaya In Meydadka 2 Ruux oo qoorta laga gooyay lasoo dhigay deegaanka Muuri ee duleedka Afgooye.

Maamulka deegaanka iyo ciidamo katirsan dowladda ayaa halkaasi ka qaaday meydka labada ruux oo wali la garan la yahay sababta ka dambeysay dilkooda

Lama Yaqaan cida Qoorta ka jartay ama Gawracday Labadaasi ruux oo dadka deegaanka ahaa.

Shacabka deegaanka Muuri ayaa cabsi badan ka muujiyay sababta loo dilay dadkaasi oo kamid ahaa Shacabka Deegaankaasi ee Gobalka Sh/hoose.