Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa u yeeray in muddo 10 cisho gudahood hor-yimaado Baarlamaanka Maxamed C/llaahi Salaad (Oomaar)  Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Soomaaliya.

1-da bisha December ee Sanadkan ayaa la faray inuu hor yimaado Xildhibaanada si uu jawaabo uga bixiyo Su’aalo Xildhibaanada ay ka weydinayaan Xayiraadii duulimaadyada ee Wasaaradiisa kusoo rogtay Magaalada Kismaayo ee caasimada KMG Maamul Gobaleedka Jubbaland iyo Xayiraadii labada mar lagu soo rogay Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Shiiq Shariif Iyo Xasan Sheekh.

Halka Hooose ka Akhriso Mooshinka loogu yeeray Wasiir Oomaar