Dowladda Soomaaliya oo Xaflad soo dhaweyn ah Hotel Royal PLace ugu qabaneysa Sheekh Maxamed Cabdi Umal oo ku sugan Magaalada Muqdisho.

Qaban qaabada Xaflada ayaa laga dareemayaa gudaha hotelka iyo Xafiisyo katirsan dowladda gaar ahaan Wasaarada Arimaha Diinta Iyo awqaafta.

Wararka ayaa sido kale intaasi ku daraya iney ka qeyb galayaan Wasiiro, Xildhibaano iyo Mas’uuliyiin kale oo katirsan Dowladda Soomaaliya Iyo Marti Sharaf kale.

Wali Dowladda war rasmi kama aysan soo saarin Xaflada soo dhaweynta Sheekh Umal loogu qabanayo maanta oo Axad ah Magaalada Muqdisho.

Muran badan ayaa ka dhashay Muxaadaro uu garoonka Eng Yariisow Ex Koonis ku qaban rabay Sh Umal oo kamid ah Culimada Sooomaaliyeed.