Webiga shabeelle ayaa fatahaad ka sameeyay tuulooyinka hoostaga degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose, taas oo saameyn ku yeelatay bulshada ku nool halkaasi.

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Shabeellaha hoose ayaa waxa ay geeyeen jawaano si loo xiro meelaha uu jabsaday webiga Shabeelle.

Webiga Shabeelle ayaa waxa uu horay fatahaad xoogan uga geystay Gobolada Shabeellaha dhexe iyo Hiiraan,iyadoo ay xusid mudantahay in hadda xaaladu ay tahay mid soo hagaageyso, wallow saameyntii uu geystay ay weli jirto meelaha qaar.

Degaanada fatahaadaha ay sameeyeen waxa ka mid ah Degmada Afgooye, Degaanka Sabiid iyo Canoole.