Gudoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasada maamulka gobolka banaadir Maxamed Cabdullahi (Tuulax) ayaa sheegay in Ciidamada Amaanka Guri ku yaala degmada hoolwadaag ay kasooqabteen waxyaabaha qarxa oo gurigaas ku aasna ama ku duugnaa.

Wuxuu Sido kale Sheegay inuu baaritaan ku socdo qeybaha kale ee guriga Iyo dadkuu xaafada degnaa.

Wali wax war ah kama soo bixin Laamaha amaanka Dowladda oo looga hadlayo Howlgalkaasi.