Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa saaka gudoomiyaha Xisbiga ONLF iyo xubno kamid ah wafdigiisa kula kulmey magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

Kulankan oo ahaa Hambalyo madaxweynuhu ugu hambalyeynayay doorashada gudoomiyaha cusub ee xisbiga ONLF Cabdiraxmaan Maadey, is xogwareysi dhanka siyaasadda geeska Afrika iyo iskuwadida bulshada dal iyo dibadba.

Axmed Madoobe ayaa sheegay kulanka inuu kusoo dhamaadey is afgarad buuxa iyo sidii loo ilaalin lahaa isku duubnida ummada Soomaaliyeed dalkastaba ha joogaane.