Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya Duqeyn xoogan oo caawa lagu dilay Sarkaal katirsanaa Amniyaadka Al Shabaab oo ka dhacday Magaalada Jilib.
Inta la Xaqiijiyay Duqeyntaasi ayaa lagu dilay Sarkaalka iyo mid mid ahaa Darawaladiisa gaarka ama qaaska ahaa, sida uu Xaqiijiyay Sarkaal katirsan ciidamada Xoogga Dowladda Soomaaliya.
Sarlaal katirsan Ciidamada Xoogga ayaa sheegay in Sarkaalka la dilay uu katirsanaa kuwa qatarta badan ee Al Shabaab u qaabilsanaa Amniyaadka.
Sido kale Shaqsigan la dilay ayaa magaciisa lagu soo gaabiyay ASAD, xiliga la duqeynayay ayaa sido kale la sheegay inuu kasoo baxay shir Saraakiisha u socday.
Dhanka kale Duqeynta kadib is rasaaseyn xoogan ayaa la sheegay iney dhax martay Ciidamo kawada tirsan Al Shabaab oo sida la sheegay uu kala shaki soo dhax galay markii ay maqleen Dilka Sarkaalkaasi.
Ciidamada Is Rasaaseynta dhax martay ayaa la sheegay iney ilaalo u ahaayeen Mas’uuliyiin katirsan Al Shabaab oo Caawa ku shirayay Magaalada Jilib.
Inta la Xaqiijiyay Dagaalka u dhaxeeyay Ciidamada Al Shabaab ayaa sababay dhimashada ilaa Shan Dagaalyahan, sida uu Xaqiijiyay Sarkaalkaasi katirsan ciidamada dowladda ee Caawa la hadlay Warbaahinta.
Wali wax war ah kama soo bixin Al Shabaab oo looga hadlayo waxa ka jira waxa caawa ka dhacay Jilib.
Wixii Kusoo Kordha kala soco Kalsantv.com.