Jabhada uu Hogaamiyo Korneel Caare ayaa Xalay abaaro 1:45 daqiiqo Weerar Xoogan ku qaaday Magaalada Ceerigaabo ee Gobolka Sanaag.

Mid mid ah dadka deegaanka oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Ciidamada Jabhada Korneelka ay Weerar ku qaadeen Saldhiga Ciidamada Booliska Somaliland ee Magaalada Ceerigaabo.

Wali lama Xaqiijin Khasaaraha Rasmiga ee ka dhashay Dagaalkaasi, maadaama uu dhacay xili Saqdhaxe.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa Sheegaya xaalada iney tahay mid dagan oo isku socodka dadka iyo gaadiidka magaalada Saakay yahay mid yara dagan.

Sido kale wali wax war ah kama soo bixin Somaliland ama Hogaamiya Jabhada oo looga hadlayo Dagaalkii Xalay xili dambe ka dhacay Gobalka Sanaag.

Jabhadda Korneel Caare ayaa marar badan Weeraray Ciidamada Soomaaliland uu horay uga tirsanaa.