Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa magacaabay gudoomiyaal degmo.

Degmada Waaberi waxaa loo magacaabay Cabdicasiis Cismaan Jaamac.

Degmada Shangaani waxaa loo magacaabay Aweys Sheikh Maxamed Amiin.

Waxaa sidoo kale Guddoomiye ku-xigeenka arimaha bulshada degmada Wadajir loo magacaabay Axmed Maxamud Diiriye.