Rag ku Labisan Dareeska Ciidamada Dowladda Gaar ahaan Dharka blue-ga ayaa Saakay ku dhac baahsan ka geystay Nawaaxiga Biyo Dageenka Xareed.

Ku dhawaad 10 ruux ayaa looga dhacay Saakay Kaligeed Moobeelo iyo agab kale oo ay wateen Wadooyinka ku Xeeran Biyo dageenka Xareed oo katirsan Degmada Howlwadaag ee Muqdisho

Mid kamid ah dadkii dhaca loo geystay ayaa sheegay ineysan markii hore ka shakin Ciidamada Maadaama ay ku labisnaayeen Dareeska Ciidamada Dowladda.

Sido kale Wuxuu Sheegay Dhacan inuu socdo ku dhawaaq 4 maalin oo Wadada labaad ilaa wadada biyo fadhiisidka Xareed ama Baar ubax Shacab badan looga qaatay Agab iyo Moobeelo ay wateen.

Inta badan Tuugo ayaa soo Gasha xiliyada habeenkii Qeybo kamid degmada Howlwadaag ee Muqdisho.