Booliska Soomaaliya ayaa Digniin kasoo saaray roobab Mahiigaanka oo laga cabsi qabo iney ka Da’aan Magaalada Caasimada ah ee Muqdisho.

Taliye ku Xigeenka Booliska Soomaaliya ayaa sheegtay in Heegan buuxa la galiyay dhamman saldhigyada boliiska Gobalka Banaadir iyo Laanta Gurmadka Dag Dag ee Dowlada Hoose ee Xamar.

Sidoo kalena la diyaariyay baabuurta gargaarka sida ambulansyada iyo deb demiska, loona baahan yahay, muwaadinkii u baahda gurmad dag dag ha la xiriiro heyadaha amniga iyo gurmadka Gobalka Banaadir.

“Booliska Soomaaliya Iyadoo dhawaan la filaayo roobabka Mahiigaanka waxaa dhamman saldhigyada boliiska G/Banadir iyo Laanta Gurmadka Dag Dag ee Dowlada Hoose la geliyay heegan buuxda”

“Sidoo kalena la diyaariyay baabuurta gargaarka sida ambulansyada iyo deb demiska. Hadaba muwaadinkii u baahda gurmad dag dag ha la xiriiro heyadaha amniga iyo gurmadka” ayaa lagu Warka Zakiya.

Roobab Mahiigaan ah oo Saameen ku reebay dadka iyo Duunyada ayaa ka da’ay magaalada Muqdisho, iyadoo wali cabsi kale laga qabo Roobabkaasi.