Askari katirsan Ciidamada Dowladda ayaa Darawal Mooto Bajaaj Caawa ku dilay Ex kuliyadii Jaalle Siyaad oo ku taallo degmada Hadan ee Muqdisho

Goobjooge ayaa sheegay Toogashada iney timid kadib Muran soo kala dhax galay Askariga Iyo Darawalka oo ugu dambeyn sababay dilka Wadihii Mootada.

Ciidamo kale oo katirsan dowladda ayaa goobta gaaray, kuwaa halkaasi ka qaaday meydka Darawalka oo la geeyay Xarunta dambi baarista CID-da.

Wali wax war ah kama soo bixin laamaha Booliska.

Ciidamada Dowladda ayaa inta badan Toogasho bareer ah kula kaca Dhalinyarada Shaqo maalmeedkooda ka raadsada wadida Mooto Bajaajka.