Hay’ada Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ayaa soo bandhigtay Muuqaalka nin la sheegay inuu doonayay Weerarka Saldhig Ciidan.

War Qoraal ah oo kasoo baxay Nisa ayaa lagu Soo bandhigay Sawiradda ruuxaasi iyo Bamgacmeed la sheegay inuu ku Weerari rabay dowladda Soomaaliya.

“Ciidamada Amniga ayaa gacanta kusoo dhigay Nin katirsan Al-Shabaab, isagoo doonayey inuu Bam-gacmeed tuuro, waxaana la qabtay isagoon wax qasaara ah u gaysan shacabka Waxaana la xisaabtamaya hay’adaha ku shaqada leh” ayaa lagu yiri warka Taliska ciidamada Sirdoonka NISA.

Hogaanka Nisa ma aysan bulshada u sheegin magaca iyo halka lagu soo qabtay ninkan lagu sheegay inuu katirsanaa Al Shabaab Doonayayna inuu Bamgacmeed ku geysto Weerar lasoo qorsheeyay.