Taliyaha Booliska Maamulka Puntland Muxiyaddiin Axmed Muuse ayaa Shaqo Joojin ku sameeyay Taliyahii Ciidamada Qeybta Booliska Gobolka Nugaal ee dhanka Puntland Muumin Cabdi Shire.

Wareegtada Taliyaha Booliska Puntland ayaa lagu sheegay Sababta ka dambeysay Shaqo Joojinta uu ku sameeyay Taliyihii qeybta Gobalka Mudug, kadib markii uu ku dhaqaaqay ama Sameeyay Amar diido.

Warar is khilaafsan ayaa kasoo baxaya Sababta rasmiga ee ka dambeysay Shaqo Joojinta, taasi oo sheegeysa in labada taliye bilihii ugu dambeeyay aysan dhax marin wax wada Shaqeyn ah, maadama khilaaf hoose uu ka dhax jiray ama ka dhax tolnaa.

Wali wax war ah kama soo bixin Taliyihii Ciidanka Qeybta Booliska Gobolka Nugaal ee Puntland oo uu uga hadlayo Shaqo Joojinta lagu Sameeyay.