Wararka ka in deegaanka Aato oo ka tirsan gobolka Bakool ayaa sheegaya in 48 saac ee ugu dambeysay
Ilaa 7 caruur ah ay u Geeriyoodeen cuddurka shuban biyoodka oo ka dilaacay halkaasi.

Waxaa geerida 7-da caruurta ah inoo xaqiijiyey

Guddoomiyaha deegaanka Aato Dubad Xasan Cali ayaa Xaqiijiyay Geerida Todobada Varuurta ahaa..

Dhinaca kale kusimaha Guddoomiyaha gobolka Bakool Cabdullaahi Maxamed Nuur (Snake) ayaa sheegay in cudurka shuban biyoodka ka dilaacay deegaano badan oo katirsan gobolka Bakool.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in ay jiraan dad u dhintay iyo dad badan oo uu soo ritay wuxuna baaq u diray Dowlada Soomaaliya, Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed Soomaaliya, gaar ahaan Wasaaradaha ay khuseyso iyo hay’adaha Samafalka.