Wararka ka imaanaya gobolka Gaarisa ayaa sheegaya in Xubno katirsan Al Shabaab ay weerareen deegaanka Dhicise oo qiyaastii 30 KM ujira magaalada Gaarisa.

War ka baxay Saraakiisha Ciidamada Al Shabaab ayaa lagu sheegay in ciidamada booliska Kenya lagala wareegay gacan ku heynta deegaanka islamarkaana dab laqabadsiiyay xaruntii shirkadda Isgaarsiinta Safaricom

Al Shabaab ayaa sido kale sheegay in ay soo rarteen wixii yiillay saldhigga ciidamada Booliska.

Wali wax war ah kama soo bixin Taliska Ciidamada Kenya oo looga hadlayo Dagaalkaasi.