Ciidamada gaarka Jubbaland iyo kuwa Kumaandooska Danab oo is garabsanaya ayaa hawlgallo ka sameeyay Deeganada Canjeel, Kuba-Kibir iyo Janaay Cabdalle oo kamid ah gobolka Jubbada hoose.

Saraakiisha hogaamineysay Hawlgallada socday muddooyinkii ugu dambeeyay ayaa waxaa ay sheegen iney sababtay in Al-Shabaab iskaga baxaan halkaasi.

Sido kale Saraakiisha ayaa sheegtay Hawlgalkan in loogu tala galay xaqiijinta ammaanka Jubbaland, ayna kala hadleen dadka deegaanka in Al Shabaan meel looga soo wada jeesto.