Faah faahino hordhac ah ayaa kasoo baxaya Qarax Xoogan oo Goordhaw ka dhacay gudaha degmada Awdheegle ee Gobalka Shabeelaha Hoose.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose Ibraahin Aadan Cali Janax ayaa xaqiijiyay in qarax Miino lagu dilay Guddoomiyihii degmada Awdheegle.

Marxuumka lagu dilay Qaraxa ayaaa waxaa lagu magacaabi jiray Allaah u Naxariistee Maxamed Yarow.

Wali lama oga cida ka dambeysay Qaraxa.

Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya gaar ahaan kuwa uu tababaray Turkiga ayaa la wareegay dhowr bil ka hor degmada Awdheegle oo Sanado badan ay maamulayeen Dagaalyahanada Al Shabaab.