Maxkamada darajada 1-aad ee ciidamada qalabka sida qeybta 27-aad oo maanta dhageysatey Dacwad Ciqaabeed loo heystay eedeysane D/Le Xoogga , C/waaxid Axmed faarax oo horay dil uga geystay Allaha u Naxariistee , Sadax xarigle XDS , maxamuud saciid nuur oo karissanaa ilaalada Taliyaha qeybta 21-aad

Maxkamada oo dhageysatey baarista xafiiska Xeer ilaalinta iyo qiraalka eedeysanaha sidoo kalena dhageysatey Marqaatiyaasha Ku sugnaa Goobta falku ka dhacey ayaa Dambiile C/Waaxid Ahmed Faarax ku Xukuntay Dil Toogasho ah oo Noqonaya Qisaasta Marxuum Sadax Xarigle XDS , Maxamuud Saciid Nuur.