Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Dagaal Khasaare dhimasho iyo dhaawac geystay oo ka dhacay Maanta degaanka Afbarwaaqo oo ku yaalla duleedka degmada Jariiban ee gobalka Mudug.

Dagaalka ayaa wuxuu u dhaxeeyay Laba Maleeshiyo beeleed oo walaalo ah, kuwaa oo la sheegay iney kasoo lala jeedaan Puntland Iyo Galmudug.

Inta la Xaqiijiyay 15 Ruux ayaa ku dhimatay Dagaalka, kuwaa oo dhamaantood ahaa dadkii dagaalamayay.

Maamulka deegaanka Afbarwaaqo ayaa Sheegay in odayaal iyo Maamulka uu ku baxay Dagaalkaasi, maanta ka qarxay Duleedka degmada Jariiban.

Guddoomiye ku xigeenka 2aad ee Golaha Shacabka Mahad Cabdalla Cawad ayaa sheegay Dagaalka ka soo cusboonaaday Towfiiq iyo Afbarwaaqo inuu yahay arrin aan la aqbali karin oo u baahan la joojiyo.

Guddiga Nabadeynta iyo ciidanka xasilinta ee isku dhafka ah ayuu faray inay si degdeg ah u kala dhex galaan dadka walaalaha ah ee colaadu dhex martay.

“Dagaalka ka soo cusboonaaday Towfiiq iyo Afbarwaaqo waa arrin aan la aqbali karin, Guddiga Nabadeynta iyo ciidanka xasilinta ee isku dhafka ah waa inay si degdeg ah u kala dhex galaan dadka walaalaha ah ee colaadu dhex martay” ayuu yiri.