Wararka ka imaanaya Saakay degaanka Afbarwaaqo oo ku yaalla duleedka degmada Jariiban ee gobalka Mudug ayaa sheegaya in Xaalada Goobihii lagu dagaalamay ee Shalay iney tahay Mid degan, inkastoo wali ay is hor fadhiyaan Kooxihii dagaalamay.

Laba Maleeshiyo beeleed oo walaala ah ayaa Shalay dhiig badan isaga daadiyay ama dad iskaga laaayay Dagaal shalay ka dhacay deegaanka Afbarwaaqo.

Inta la Xaqiijiyay In ka badan 25 ruux oo ka kala tirsanaa Labada Maleeshiyo beeleed ayaaa ku dhintay dagaalka, inkastoo ay jiraan dhaawacyo fara badan.

Maleeshiyaadka dagaalamay oo kasoo kala jeeda Maamulada Puntland iyo Galmudug ayaa ah kuwa Xoolo dhaqato ah oo marar badan ku dagaalamay deegaankaasi iyo deegaano kale oo ku yaalla Mudug.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in colaadaasi ay ku baxeen odayaasha dhaqanka Gobalka oo kala matalaya labada Maleeshiyo ee dirirtu dhax martay.

Xaalada Saakay ayaa ah mid dagan, inkastoo daqiiqad walbaa laga cabsi qabo dagaal halkaasi ka qarxa, maadaama labada maleeshiyo wali ay isku muuqdaan.