Wararka ka imaanaya Magaalada Hargeysa ayaa sheegay in Laba Caruura, Aabahood iyo Hooyadood ay ku dhinteen Guri ku dumay Xaafadda Birjeex.

Saraakiisha iyo Ciidamada Dab demiska ayaa soo Saaray meydadka qoyska gurigoodii uu ku dumay.

Meydadka qoyskaasi ayaa la geeyay Isbitaalka weyn ee Magaalada Caasimada u ah Soomaaliland ee Hargeysa.

Hadal heynta Saakay ee Hargeysa ayaa ah, dhacdada xanuunka badan ee ka dhacday Caasimadaasi.