Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo howl-gallo lagu baacsanayo Al Shabaab ka wada degaanno ka tirsan Shabeelladda dhexe ayaa lawareegay Tuulada Geelgub oo qiyaastii 10 km ujirta Degmada Cadale ee Gobolka Shabellada dhaxe.

Howgalladani oo ah kuwa lagu sugayo amaanka degannadaasi ayaa waxaa hoggaaminaya

Saraakiil uu kamid ahaa Taliye ku xigeenka Ciidamada xoogga Sarreeye guuto Maxamed Cali Bariise ayaa hogaamineysay Howlgalkaasi Amniga lagu Xaqiijinaayay.

Sarreeye guuto Maxamed Cali Bariis ayaa sido kale Sheegay Ciidamada iney bilaabeen Howlgal lagu bixinayo ama lagu baarayo Miinooyinka dhulka.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegay Xaalada deegaanka iney tahay mid dagan oo dhaanta sidii Shalay, xiligii ay soo galayeen Ciidamada Xoogga.

Wali wax war ah kama soo bixin Al Shabaab.