Taliyaha Guutada 15-aad Gen: Mascuud Maxamed Warsame, Taliyaha Guutada 13-aad G/Le abdirahman moalim mohamoud Timadheere iyo Taliyaha Ciidanka Danab 21-aad G/Le Muqtaar Cabdi Aadan iyo Saraakiil kale ayaa gaarey deegaanka Boorancad oo ay ka dheceen dagaalo waxa ayna kala wareejiyay Maxaabiis lagu kala qabtay dagaalkii dhax maray Ciidamada Liyu Booliska Iyo dadka deegaanka.

Saraakiisha iyo ciidamada Militariga Soomaaliya ayaa meel ka sokeysa Boorancad kula kulmey Ciidanka Liyuu Boolis halkaasna ku kala wareejiyay labo Maxbiista iyagoo kawada hadley in xaalada ladajiyo oo nabada dib loo unko.

Taliska 21-aad ayaa howlaga halkaa uu utagay yihiin kuwo lagu xalinayo colaada aloosan ee ka taagan deegaano ka tirsan Gobolka Doollo kuwaa oo saameyn Ku yeelanaya xuduuda dalka.