Xeer ilaalinta maxkamadda ciidanka qalabka-sida ee Soomaaliya ayaa kormeertay xeryaha ciidanka xoogga dalku ku leeyahay magaalada Buula-burde ee gobolka Hiiraan.


Saraakiish Hogaanka Xeer Ilaalinta ayaa goobta kula hadlay cutubyo ka tirsan ciidanka guutada 5-aad iyo 22-aad ee Dowladda Soomaaliya.