Masuuliyiin ka tirsan Safaaradda Soomaaliya ee dalka Uganda ayaa ka Qayb Galay furitaanka shirkii 12-aad ee Culimada kaas oo ay soo qabanqaabisay xarunta Islaamiga ah ee Towxiid Kampala oo shalay Bilowday.

Shirkan oo looga hadlayo sarifka Online-ka ah iyo diinta Islaamku waxa ay ka qabto ayaa waxaa ka qayb galaya culumo Soomaaliyeed oo caan ah kuwaas oo ay ka mid yihiin Sheikh Abdirashiid sheikh Ali Suufi, Sheikh Mustafa, Sh Dr Cali Maxamed Salax, Dr Axmed Jamac Ismacil iyo culumo kale, waxaa uu shirkan socon doonaa ilaa 29 bishan oo muxaadarooyin badan bulshada Soomaaliyeed loo jeedin Doono.