Wararka ka imaanaya Duleedka Magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in Saakay halkaasi laga dareemayo Dhaqdhaqaaq ciidan oo ay Sameynayaan Daraawiishta Jubbaland Iyo Ciidamo la socdo.

Dhaqdhaqaaqa Ciidamada Jubbaland ayaa Salka ku haya kadib markii Shalay ay la Wareegeen Deegaanka Buula Xaaji oo dhaca Galbeedka magaalada Kismaayo ee Caasimada KMG Maamulka Jubbaland.

Mid kamid ah dadka deegaanka oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in ciidamo wata gaadiidka dagaalka lagu arkayo duleedka Kismaayo, kuwaa laga yaabo mar kale iney Weeraro ku qaadaan deegaanada Miyiga Kismaayo oo Al Shabaab Maamulaan.

Shalay ayey aheyd kadib markii Ciidamada Jubbaland Dagaal la aan ay gacanta ku dhigeen Deegaanka Buula Xaaji oo dhaca Galbeedka magaalada Kismaayo.